Ciidanka DFS oo Dhaq-dhaqaaq ka wada Galgaduud

Ciidanka ayaa ku wajahan deegaanno hor leh oo Kooxda Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka DFS oo Dhaq-dhaqaaq ka wada Galgaduud

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka ay saakay halkaasi ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo, kadib dagaal ay shalay gelinkii dambe la galeen xubno ka tirsan Kooxda Al-shabaab.

Degaanka Miir-dugul oo dhanka Koonfur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb, ayeey shalay gelinkii dambe weerar ku qaadeen ciidanka DFS, waxaana halkaasi maamulayey Kooxda Al-Shaaab.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidankan ayaa sheegay in gebi ahaamba ay deegaankaasi ka saareen Kooxda Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in saakay ay ciidanka DFS u qalab uruursanayaan deegaanno kale oo Kooxda Al-shabaab kaga sugan yihiin Galgaduud.

Kooxda Al-shabaab ayaa si toos ah iyo si dadban u maamula qaar ka mid ah deegaannada ku yaalla gobollada dalka, iyadoo DFS ay yareysay howlgallada lagu baacsado ururkaas.

Keydmedia Online

Commenting is not available in this channel entry.