Galgaduud: Ciidanka oo billaabey howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Howlgalkaan ayaa ah mid ammaanka lagu xaqiijinayo.

Warar Keydmedia Online
Galgaduud: Ciidanka oo billaabey howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ciidana DFS ayaa lagu soo waramayaa in ay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud duleedkeeda ka bilaabeen howlgal ballaaran oo ka dhan ah Kooxda Al-shabaab, waxaana ay kusii socdaan deegaanno la sheegay in Al-shabaab ay marar badan weerar kasoo qaadeen.

Ciidanka ayaa gaaray deegaannada Bariga kaga beegan garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, halkaasi oo la sheegay in marar badan Kooxda Al-shabaab lagu arkay.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa sheegay in ulaeedkoodu yahay sidii ay amniga u sugi lahaayeen, islamarkaana Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaannada ay ku dhuumaaleystaan.

Ma jirto illaa iyo hadda howlgalkaan cid ay ciidanka DFS kusoo qabteen, sidoo kalena ma jirto wax dagaal ah oo ay kala kulmeen Al-shabaab.

Kooxda Al-shabaab ayaa mudooyinkan dambe bilaabay iney weeraro ka fuliyeen magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan garoonka diyaaradaha magaaladaasi oo dhowr-jeer madaafiic kusoo tuureen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.