Ciidanka DFS oo howlgal ka wada B/weyne

Ulajeedka Howlgalkaan ayaa ah mid ammaanka lagu xaqiijinayo.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka DFS oo howlgal ka wada B/weyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobolk Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgal ballaaran ka wadaan ciidamada dowladda fderaalka Soomaaliya oo isugu jira Booliis iyo Milatari.

Ulajeedkan howlgalkaan ayaa ah sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka magaalada, kadib markii la sheegay in magaaladaasi ay galeen rag ka tirsan Al-shabaab, walibana ah kuwa dadka dila.

Waxaa jirta dhallinyaro ay ciidanku howlgalkaan kusoo qabteen, hase ahaatee weli waxaa socda howlgalka, waxayna saraakiisha sheegeen in cid walbo oo lagu qabto howlgalkaan baaritaan la marsiin doono.

KEYMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.