Ciidanka DFS oo ku dagaallamay Muqdisho

Ciidamada ayaa cado ka dhigtay in hubkii qaranka ay maatada ku laayaan.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka DFS oo ku dagaallamay Muqdisho

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal maanta askar ka wada tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ku dhexmaray degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, waxaana dagaalkaasi ka ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidankan dagaallamay ayaa kala ahaa Booliis iyo Milatari, waxaana dagaalkooda uu salka ku hayaa muranka dhul ku yaalla duleedka degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintay Labo qof oo ahaayeen muruq maalka guryaha dhisa, kuwaasi oo halkaasi loo geeyey iney guri ka dhisaan, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Saddex kale.

Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyey isbitaalka Keysaney ee ku yaalla duleedka degmada Kaaraan, halkaasi oo lagu baxnaaninayo.

Dhanka kale, ciidankii dagaallamay waxaa soo kala dhex-galay ciidamo kale oo dowladda ah iyo sidoo kale maamulka degmada Kaaraan.

Ciidanka dowladda ayaa marar qaar ilooba dalkii loo dhaariyey, waxayna dib u milicsadaan in qoriga ay ku difaaci lahaayeen qaranka ku difaacaan beeshooda, sidoo kalena ku waxyeeleeyaan dadkii shacabka ahaa ee laga rabay iney difaacaan.

Sidoo kale, ciidanka dowladda ayaa badi ah kuwo aan soo qaadan tababarkii loo baahnaa, waxayna u badan yihiin maleeshiyaadkii hubeysaa ee waa dalka nabadda u diiday, kuwaasi oo la qarameeyey.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.