Ciidanka DFS oo Al-shabaab kala wareegay deegaan hor leh

Deegaanka ay ciidanka la wareegeen waxaa ku noo dad u badan xoolo dhaqato iyo beeraley.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka DFS oo Al-shabaab kala wareegay deegaan hor leh

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa DANAB ayaa howlgal ay ka sameeyeen gobolka Shabellaha Hoose, waxa ay la wareegeen deegaanka Leego oo ku dhow degmada Wanlaweyn.

Maxamed Cabdulle Xasan oo ah taliyaha Booliiska degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in ciidanka ay dagaal la'aan ku qabsadeen deegaanksaasi, kadib markii ay isaga baxeen Al-shabaab.

Ciidamada ayaa howlgallo ka wada deegaanka ay la wareegeen, iyadoo xaaladdu ay tahay mid aad u deggan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.