Ciidanka DFS oo toogtay rag ay ku sheegeen burcad

Buracadda ayaa kusoo badatay waayadan magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka DFS oo toogtay rag ay ku sheegeen burcad

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay saakay ku toogteen nawaaxiga isgoyska Albarako ee magaalada Muqdisho, Labo nin oo la sheegay in ay ahaayeen burcad dadka ka dhaca taleefannada gacanta.

Goobjooge ayaa sheegay in raggan ay saarnaayeen mooto Bajaaj, islamarkaana ay wateen Bistoolado, waxaana kusoo baxay ciidamada Booliiska xilli ay halkaasi dhac ka geysanayeen, waxaana lagu furay rasaas sababtay in mid ka mid ah goobta ku dhigto, halka kan kalena isaga oo dhaawac garaab ah laga qaaday halaas.

Booliiska weli wax faah faahin ah kama aanay bixin falkaan, balse Muqdisho waxaa kusoo batay ragga burcadda ah ee shacabka dhaca.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.