Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala deegaanada Hirshabeelle ayaa howl gal ka sameeyay gobolka Shabeellaha dhexe.
JOWHAR, Soomaaliya - Ururka 7 -aad ee Guutada 16 -aad ee Ciidanka kumandooska danab ayaa hawlgal ka sameeyey degaan ka mida gobolka shabeelaha dhexe.
Degaanada hawlgalku ka dhacay ayaa kala ah War ciise, Maja badan, Qor dhere, Bulo gannay, ka dheeray iyo kulan oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Fariisamo ay ku lahaayeen Al-Shabaab deganaakaas ayaa ayaa lagu burburiyay, waxaana taliyaha ururka 7 -aad guutada 16 -aad ee ciidanka Kumaandooska Danab Dhame Xasan maxamed cisman uu xaqiijiyay in lagu guuleystay howlgalka laga sameeyay deegaandaas.
Deegaanada hoos yimaada dowlad goboleedka Hirshabeelle waxaa ku badan fariisimaha kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin halkaas, waxaana inta badan dhibaatooyin kala duwan loogu geystaa dadka shacabka ah ee halkaas ku nool.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments