Ciidanka Dowladda oo weeraray Idaacad ku taalla Muqdisho

Agaasimaha Idaacadda Guutaale ayaa sheegay in Ciidanka ay jirdil u geysteen qaar kamid ah shaqaalaha.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka Dowladda oo weeraray Idaacad ku taalla Muqdisho

MUQDSHO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay weerar ku qaadey xarunta Idaacadda Mustaqbal ee Muqdisho xili xiisad dagaal ay magaaladda ka jirto.

Axmed Ciise Guutaale ayaa xaqiijiyay in Ciidanka ay xoog ku galeen Idaacadda xili ay hawada ku jirtay kadibna jirdil kula dhaqaaqay shaqaalaha xiligaasi shaqada wadey, oo wiilal iyo gabdho suxufiyiin isagu jira.

Wuxuu agaasimaha sidoo kale xusay inay Ciidanka qalab ka qaateen Idaacadda, oo ah mid madax-banaan islamarkaana mudooyinkii dambe aad u tebinaysa wararka mucaaradka.

Lama oga sababta dowladda u weerartay Idaacadda, balse waxay kusoo beegmaysaa xili Muqdisho ay ka taagan tahay xiisada dagaal, oo qarka u saaran inay isku bedesho dagaal sokeeye.

Maamulka Farmaajo ee gabalkiisu sii dhacayo ayaa u muuqda inuu diyaarinayo duulaan ka dhan ah goobaha ay mucaaradka ku sugan yihiin, si uu meesha uga saaro awooda sii xoogeysanaysa ee khatarta gelin karta kursigiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.