Ciidanka Farmaajo oo laamiga ku jiidaya shacabka Muqdisho

Fahad Yaasiin iyo Farmaajo, oo ka fogaanaya in bulshaada gobolka Banaadir, ay dareenkooda ku muujiyaan bannaanbax nabadeed, ayaa ayaa Cumar Finish ku amray in mudaharaad quseeya Kiiska Ikraan aan lagu dhigi karin Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka Farmaajo oo laamiga ku jiidaya shacabka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ka amar qaata kooxda muddo xileedkeedu dhamaaday ee Farmaajo iyo Fahad hoggaamiyaan ayaa jirdil xooggan iyo xarig isugu daray dhallinyaro ka qeyb galayay bannaan-bax caddaalad loogu raadinayay Ikraan Tahliil Faarax, oo ku maqan gacanta Fahad Yaasiin, ku dhawaad muddo saddex bil ah.

Muuqaallo la duubay intii ay ciidamadu jirdilka iyo rasaasta ku wadeen mudaharaadayaasha, ayaa laga dhex aqoonsanayaa Wariye Basiir Maxamuud Wehliye, oo laamiga ay ku jiidayaan ciidamada Farmaajo, isla-markaana qasab lagu saarayo gaariga ciidanka.

Sidoo kale dhallinyarada jirdilka xooggan loo geystay, lana qafaashay waxaa ka mid ah Axmed Garaar, oo ka tirsan garabka dhallinyarada Xisbiga Wadajir, ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Guud ahaan dibad-baxayaasaha ayaa la kala raacdeeyay, waxaana qeyb ka mid ah dhallinyaradii la jirdilay la geeyay saldhigga degmada Hodan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa Cabdifitaax Xayir Ciise, oo ah Gudoomiyaha Degmada Hodan ku amray in aan KM4, lagu dhigi karin bannaanbax looga soo horjeedo Fahad Yaasiin, taas ayaana sababtay in Ciidamo uu hoggaaminayo Qayliye, ay ku kacaan falkaan argagaxa leh.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.