Ciidanka Galmudug oo howlgal burburin ah ka sameeyey Mudug

Howlgalkan ayaa ahaa mid muddooyinkan ay wadeen ciidamada ammaanka Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka Galmudug oo howlgal burburin ah ka sameeyey Mudug

Ciidamada dowlad goboleedka Galmudug ayaa howlgal lagu burburinayey dhismayaal lagu dhisay deegaano ay xiisad ka jirtay ka sameeyey nawaaxiga magaalada Hobyo.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkaan ayaa sheegtay in dhulka lala simay dhismayaashan, kuwaasi oo laga kala dhisay dhul dowladeed iyo sidoo  kale dhul daaqsin ah.

Waxay tilmaameen saraakiisha in goobaha la burburiyey uu ka dhici rabay dagaal beeleed, sidaasi darteedna ay ka hortageen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.