Ciidanka Itoobiya oo go’doominaya caasimadda gobolka Tigray-ga

Dagaalkan ayaa noqday mid sii daba-dheeraaday, waxaana ku barakacay kumanaan qof.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka Itoobiya oo go’doominaya caasimadda gobolka Tigray-ga

ADDIS ABABA, Itoobiya - Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ay u diyaar-garoobayaan go’doominta Caasimadda Gobolka Tigray ee Maqalle.

Afhayeenka ciidamada Dowladda Dejene Tsegaye oo la hadlay Telifishinka Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka ay dabbaabado iyo madaafiic ay u adeegsan doonaan qabsashada Caasimadda gobolkaas ee Maqalle.

Tsegaye ayaa howlgalka ay ciidamadu la damacsanyihiin Maqalle ku tilmaamay mid ay kusoo afmeerayaan gulufka colaadeed isaga oo dadka deegaanka ugu baaqay in ay raadsadaan meelo gabbaad ah maadaama ciidamadu duqeymo ka fulin doonaan Magaalada ayna si naxariis la’aan ula dagaallami doonaan Jabhadda hubaysan.

Ciidamada ayaa Sabtidii shalay sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Adigrat oo 116 km u jirta Maqalle, sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku dhigay magaalooyinka Aksum iyo Adwa.

Badi deegaannada dhaca bariga iyo galbeedka gobolka Tigray oo ay ku noolyihiin ku dhawaad 5 Milyan oo Qof ayay ciidamadu sheegeen in haatan ay la wareegeen.

Weriyaha telifishinka Al-Jazeera ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay 80% la wareegeen deegaanka gobolka Tigray.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.