Labo kamid ah qodobada ugu waaweyn fashilka Farmaajo
Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Federaalka Itoobiya iyo TPLF ayaa ka soconaya duleedka magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray-ga.
MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda ayaa shalay qaadday dagaalkan, kadib markii uu dhammaaday mudadii uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed u qabtay iney isku soo dhiibaan hoggaanka iyo ciidanka TPLF, waxayna ahayd 72-saac.
Ciidanka Federaalka oo la faray ammarka ah iney la wareegaan magaalada Mekelle ayaa waxay iska caabin kala kulmayaan ciidamada TPLF, waxaana jira khasaare xooggan oo dagaalkan ka dhashay.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya ayaa la xaqiijiyey in dagaalka ku dhinteen, waxaana sidoo kale laga baqayaa waxyeelo soo gaarta dadka rayidka ah.
Hoggaanka TPLF ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya aanay la wareegi doonin caasimaddooda inta ay naf ku jirto.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments