Ciidanka Jubbaland oo heegan la geliyay

Magaalada Kismaayo waxaa maalmaan kusoo badanayey falalka amni darri.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka Jubbaland oo heegan la geliyay

KISMAAYO, Soomaaliya - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa heegan buuxa geliyey ciidamadiisa kadib markii deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo ay kusoo bateen falalka amni-darri.

C/qaadir Xaaji Maxamuud (Suldaan Luga-dheere) oo ah madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Jubbaland ayaa u sheegay warbaahinta in sababo amniga ku saabsan heegan loo geliyey ciidamadan.

Si gaar ah, wuxuu sheegay in ammaanka magaalada Kismaayo si weyn loo sugi doono, kadib markii ay kusoo bateen qaraxyada iyo dilalka.

"Saraakiisa waxaanu farnay in ammaanka ay sugaan, sidoo kalena ay la dagaallamaan cid walbo oo amniga wax u dhimeysa, hadda heegan buuxa baynu gelinnay ciidamadeenna" ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Jubbaland ayaa ka codsaday dhammaan shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo, iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

Al-shabaab ayaa dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka fuliyey magaalada Kismaayo, xilli ciidamada Jubbaland ay heegan buuxa ku jiraan xilli walbo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.