Ciidanka Kenya iyo kuwa Al-shabaab oo dagaallamay

Al-habaab ayaa marar badan weeraro sidan oo kale ah ku qaaddey saldhiggan.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka Kenya iyo kuwa Al-shabaab oo dagaallamay

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa saakay waaberigii ka dhacay deegaanka Hosoingow ee gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna dagaalka ahaa mid aad u xooggan.

Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah waxa ay ku qaadeen saldhigga ay ciidanka Kenya ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana dagaalka uu socday ku dhowaad Saacad, sida ay goobjoogayaal inoo xaqiijiyeen.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, iyadoo dhinacyadii dagaallamayna aanay wax war ah soo saarin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.