Ciidanka Kenya iyo Al-Shabaab oo ku dagaallamay J/hoose

Dagaal culus ayaa maanta dhexmaray Ciidanka Kenya iyo Kooxda Al-Shabaab, waxaana dagaalkaas laga filanayaa khasaare labada dhinac.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka Kenya iyo Al-Shabaab oo ku dagaallamay J/hoose

KISMAAYO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Ciidanka Dowladda Kenya iyo Kooxda Al-shabaab ku dhex-maray deegaanka Qooqaani oo dhaca duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Al-shabaab ayaa weerar ku qaadday saldhigag ay Ciidanka Kenya ku lahaayeen halkaasi, waxaana ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad, gelinkii hore ee maanta.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Labada dhinac ay isku adeegsadeen hub aad u culus, islamarkaana ay jiraan madaafiic ku dhacay goobo ay dad shacab ah deggan yihiin.

Lama oga khasaaraa guud ee ka dhashay ka dhashay dagaalkan iyo sidoo kale waxyeellada soo gaartay dadka Shacabka ah ee halkaasi ka dhow.

Warbaahinta Kooxda Al-shabaab ayaa shaaciyey in Sarkaal sare oo Ciidanka Kenya ka tirsan ay halkaasi ku dileen, sidoo kalena ay hub ka qaateen xerada, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Dhanka kale, saraakiisha Ciidanka Kenya ee ku sugan Gobolka Jubbada Hoose weli wax faah-Faahin ah kama aanay bixin dagaalkan, iyadoo haatanna xaaladdu tahay mid deggan.

Kooxda Al-shabaab ayaa marar badan weeraro sidan oo kale ku qaaday fariisimaha ay ciidanka Kenya ku leeyihiin deegaannada Jubbaland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.