Ciidanka Kenya oo dad shacab ah ka qafaashay Gedo

Ciidanka Kenya ayaa marar badan gabood-fallo ka geystay gudaha dalka.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka Kenya oo dad shacab ah ka qafaashay Gedo

Wararka ka imaanya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in gelinkii dambe ee maanta ay ciidanka Kenya dad shacab ah ka qafaasheen gobolkaasi.

Ciidamadan oo qeyb ka ah kuwa AMIOSM ayaa galabta waxay deegaanka Yadoo oo qiyaastii 30-km u jira degmada Ceel-waaq ee Gedo ka qafaasheen Saddex qof oo shacab ah, waxaana dadka ku jira Nabadoon aad looga yaqaan Gedo.

Dadka la qafaashay ayaa magacyadooda naloogu sheegay:

1- C/laahi Warsame Abayle

2- Maxamed Shidane Xasan

3- Warsame Barre Qorane

Lama oga illaa iyo haatan halka ay ciidanka Kenya la aadeen raggan ay qafaasheen, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in gaadiidkooda saarteen.

Korneyl Aadan Rufle oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, ayaa warbaahinta waxa uu u sheegay in ciidanka Kenya ee qafaashay dadkan ay ka tirsanaayeen Milatariga Kenya ee sida gaarka ah u tababaran.

Ciidanka Kenya ayaa marar badan dhibaato ka geystay gudaha dalka, gaar ahaan gobolka Gedo, iyadoo weli aanay jirin dowlad Soomaaliyeed oo si dhab ah ula xisabtantay.

Keydmedia Online

Commenting is not available in this channel entry.