Ciidanka Kenya oo jaray isgaarsiinta deegaanno ka tirsan Gedo

Ciidanka Kenya ayaa kordhiyey howlgallada ay tacaddiyada ugu geysanayaan shacab Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka Kenya oo jaray isgaarsiinta deegaanno ka tirsan Gedo

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in ciidanka Kenya ay jareen isgaarsiinta illaa 15 deegaan oo ku dhow xadka aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya iyo Kenya, dhanka gobolka Gedo.

Ciidamadan ayaa markii ay daminayeen isgaarsiinta waday howlgal, iyadoo weli lasoo sheegayo in isgaarsiinta maqan tahay, dhanka kalena waxay tani saameyn ku yeelatay dadka deegaanka.

Todobaadkan, ciidanka Kenya ayaa dhibaato ku haya shacabka gobolka Gedo, shalayna waxaa xadka Kenya iyo Soomaaliya ka dhacay dagaal kooban oo u dhaxeeyey Milatariga DFS iyo askar Kenyan ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.