Ciidanka Puntland oo howlgal ka wada gobolka Bari

Buuraleyda gobolka Bari waxaa ku dhuumaaleysanaya Al-shabaab iyo Daacish.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka Puntland oo howlgal ka wada gobolka Bari

BOOSAASO, Soomaaliya - Ciidamada ammaanka ay Maamulka Puntland ayaa howlgallo amaanka lagu xaqiijinayo ka wada duuleedka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari. 

Saraakiisha hoggaamineysa holgalkaan ayaa waxay sheegayaan in ulajeedka howlgalkaan uu yahay mid lagula dagaallamayo Al-shabaab iyo Daacish, lana koontaroolayo dhammaan gaadiidka.

Ciidamada ayaa baaraya guryaha qaar ee Boosaaso iyo sidoo kale gaadiidka dadweynaha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.