Ciidanka Gaandi oo qabtay Labo gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay

Kismaayo (Keydmedia) - Saraakiisha ciidamada Gaandi ee ku sugan deegaanka Taabto Gobbalka jubbada hoose ayaa xaqiijiyay in deegaankaasi ay ku qabteen Labo Gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo raggii watay kuwaasoo sida la sheegay markii hore ka yimid dhanka degmada Afmadow ee isla gobbalka jubbada hoose halkaasoo ay ku sugan Kooxda Shabaabka.
Warar Keydmedia Online
Ciidanka Gaandi oo qabtay Labo gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay

Labada gaari ee la qabtay ayaa waxaa ka buuxay walxaha qarxa, waxaana lala qabtay ilaa 8 nin oo la sheegay inay iyagu wateen Baabuurta walxaha qarxaya laga soo buuxiyay, ayadoona haatan baaritaano lagu wado.

Cabdiqaadir Sanka oo ka mid ah Saraakiisha ciimada Gaandi ee ku sugan deegaanka Taabto ee Baabuurta walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qabtay ayaa Xafiiska Keydmedia ee Kismaayo u sheegay in shirqoolkii iyo dhagartii ay raggani u maleegayeen Fariisimahooda uu alle fashiliyay,isagoona sheegay in ragani baaritaanada kaidb tilaabo ay ka qaadi doonaan.

Waa markii ugu horaysay oo ay ciidamada Gaandi iyo ciidamada Kenyaanka ah ee dalka Soomaaliya bur burinaya ay fashiliyaan qarax nocaan oo kale ah.

Keydmedia.net - Xafiiska Kismaayo