Khaatumo oo Weerar ku qaaday Saaxdheer

Saaxdheer (KON) – Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Somaliland iyo kuwa Khaatumo ayaa ka dhacay Deegaano Hoos yimaada Magaalada Saaxdheer ee Gobolka Sool, waxaana Dagaalka uu yimid ka dib markii Ciidamada Khaatumo ay qaadeen Weerar Gaadmo ah.
Warar Keydmedia Online
Khaatumo oo Weerar ku qaaday Saaxdheer

Axmed C/laahi Ciise oo ka mid ah Dadka Magaalada Saaxdheer ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Dagaal Saacado qaaday uu dhexmaray Labada dhic, inkastoo aan wali la sheegin Khasaaraha soo kala gaaray labada Garab iyo Dadka Shacabkaa intaba.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Xaalada Goobihii lagu dagaalamay ay dagan tahay islamarkaana ay Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Khaatumo ay is hor fadhiyaan.

Magaalada Saaxdheer ee Gobolka Sool ayaa dhawaan waxaa ka dhacay Dagaal Magaalada looga saaray Maamulka Madaxweyne Cali Khaliif iyo Mas’uuliyiinta Maamulkaasi.

Keydmedia Online // Kulmiye Radio

Wariye Cumar Soomane: