Ciidanka Xoogga oo loo fidin doono Taageero - Kulankii Golaha Ammaanka ee QM

Muqdisho (KON) - Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Fawzia Yusuf H. Aadam oo kasoo laabatay New York ayaa ka hadashay Kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waana kanaa Warsaxaafadeedka.
Warar Keydmedia Online
Ciidanka Xoogga oo loo fidin doono Taageero - Kulankii Golaha Ammaanka ee QM

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Aadam oo maanta dib ugu soo laabatay caasimadda Muqdisho kadib markii ay kaga qeybgashay Magaalada New York 30-kii bishii hore ee October kulanka golaha ammaanka oo looga dooday caawinta iyo taageeridda ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo ku Kordhinta in ka badan 4000 askari tirada ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya (AMISOM) si loo gaarsiiyo guud ahaan 22,000 askari , ayaa waxa ay ka war bixisay waxyaabihii lagu go’aamiyay shirkaasi.

H.E. Fawzia Yusuf , waxa ay sheegtay in Xubnaha 15 –ka dal ee golaha ammaanka ay dhageysteen warbixin uu akhriyay Kuxigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Jan Eliasson oo qiray guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaalka dhulka ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Aadam oo kula hadleysay weriyeyaasha Airport-ka Muqdisho ayaa waxa ay tiri "dadaal dheer, wadatashi iyo kulamo is xig xiga oo aan la kala yeeshay Xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ee leh awoodda codka qayaxan ee diidmada, ayaa waxaa la isla gartay in ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo horey tababaro uga kala helayay qaar ka mid ah wadamada Afrika iyo Yurub loo fidiyo taageero lojistiko ah iyo waxyaabo kale oo muhiim ah oo wax ka tari doona qeyb ahaan sare u qaadida awooda ciidanka Soomaaliyeed”.

Golaha ammaanka ayaa waxaa la filayaa in kulan kale oo arrinkan la xiriira uu mar kale yeesho inta lagu guda jiro bishan November .

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Aadam oo fulineysa ajandayaasha qaran ee barnaamijka siyaasadda arrimaha dibadda ayaa xoojisay dhaq dhaqaaqyadeeda diblomaasiyadeed ee ay taageerada ugu raadineyso ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya si uu dib uga kabsado muddo 22 sano ah oo dalka colaado sokeeye ay u sababeen burbur iyo dib u dhac xoogan.

Warsaxaafadeed - Keydmedia Online




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.