Codsi sixid Qodobkii qaldanaa ee “4.5-ka”

Hadii aanu nahay wax garadka, guddoomiyaha guud iyo gudida sare ee beesha gabooye ee Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, waxaanu si Sharaf leh uga codsanaynaa Madaxwaynaha Soomaliya iyo golayaasha Baarlamanka iyo Wasiirada D.K.G ah ee Somaliya...
Warar Keydmedia Online
Codsi sixid Qodobkii qaldanaa ee “4.5-ka”

Hadii aanu nahay wax garadka, guddoomiyaha guud iyo gudida sare ee beesha gabooye ee Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, waxaanu si Sharaf leh uga codsanaynaa Madaxwaynaha Soomaliya iyo golayaasha Baarlamanka iyo Wasiirada D.K.G ah ee somaliya inay isku taxalujiyaan sidii loo sixi lahaa Qaladkii ay samaysay Dawladii hore kaas oo ahaa Nidaamka (4.5) ka qaladkaas oo bini- aadanimda ka  baxsan oo wax u dhimaya sharafta iyo karaamada dadyoow aad u badan oo ay ka mid yihiin beelaha Gabooye ,iyadoo aynu ognahay in ilaahay aanu abuurin qof nus ah.
   
Anagoo ku kalsoon dawladda ku meel gaadhka ah fileynana in ay talaabo deg deg ah ka qaadayso,  waxaanu leenahay dib  ha loogu noqdo  quraanka illaahay  oo waxii waqaa,ib xumo keenaya ha laga feejignaado.

Wabillaahi Towfiiq
Gudoomiyaha Beesha Gabooye ee Q.Yurub Iyo Waqooyiga Amerika,
Dr. Naasir Mohammed Issa.