Colaad ka taagnayd Mudug oo heshiis laga gaaray

Beelaha ayaa heshiis ku gaarey shir ay ku yeesheen degmada Galdogob, iyagoo hadda kaa shaqeynaya dhameynta Colaadda u dhexeysay oo dad badan oo shacab ah ay ku dhinteen.

Warar Keydmedia Online
Colaad ka taagnayd Mudug oo heshiis laga gaaray

GAALKACYO, Soomaaliya - Beello dega galbeedka gobolka Mudug ayaa heshiis nabadeed ku gaarey degmada Galdogob, kaasi oo lagu soo afjarayo dagaal mudo labo sano socday oo dhinacyada u dhaxeeya.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ayaa ka qeyb-qaatey deminta dagaalka, waxayna ku guuleysteen inay dhex-dhigaan labada beelood heshiis dhameystiran, oo nabad lagu dhex-dhigayo beelahan walaalaha ah, oo isku hayay arrimo muran dhinaca dhulka iyo aanooyin la xiriirra.

Wararka ayaa sheegaya in heshiiska lagu kala qaatay magta 26 qof oo ku dhintay dagaalkii u dhexeeyay beelaha. Goobaha dagaalka waxaa lagu daadgureeyay Ciidamo ka yimid dhinaca waqooyiga Gaalkacyo.

Maamulka Puntland oo degaanka Galdogob ayaa soo dhaweeyay heshiiska, waxayna Saraakiisha gobolka Mudug sameynayaan dedaallo hubka-dhigis ah iyo soo celinta dadkii shacabka ahaa ee ka barakacay degaanadooda intii uu dagaalka socday.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.