Coronavirus oo ka dabar go’aya Soomaaliya

Warbixintii ugu dambeysay ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in 184 qof oo ku kala sugan gobolada dalka oo baaritaan lagu sameeyay dhamaantood laga wayay qof qaba Fayruska Koroona. 

Warar Keydmedia Online
Coronavirus oo ka dabar go’aya Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya waxaa ka sii dhamaanaya safmarka COVID-19 ee soo gaaray 16-kii Maarso ee sanadkaan, waxaana 48 saac ee la soo dhaafay baaritaannadii la sameeyay la waayay qof qaba cudurka dunida aafeeyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in 48 saac ee la soo dhaafay guud ahaan dalka Soomaaliya laga waayay qof qaba COVID-19, taasoo ku tusineyso gabaabsiga ama jiritaanka cudurkaan ee gudaha Soomaaliya in uu yaraaday.

Warbixintii ugu dambeysay ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in 184 qof oo ku kala sugan gobolada dalka oo baaritaan lagu sameeyay dhamaantood laga wayay qof qaba Fayruska Koroona.

In kastoo dowladda si rasmi ah ugu dhawaaqin dhamaadka cudurkaan hadana warbixintii ugu dambeysay ayaa sidaan aheyd: tirada guud ee laga helay ayaa gaartay 3,227, waxaana ka bogsaday 1,728, halka 93 ay u dhinteen. dad badan ayaa aaminsan in tirada intaa ka badan karto.

Dhinaca kale shaqaalihii ka howl geliyay Isbitaalka Martiini oo ahaa xarunta bukaannada dadka laga helay COVID-19 iyo diiwaan gelinta guud ahaan dalka ayaa la fasaxay, waxaana sidoo kale jirin bukaan qaba cudurkaas oo haatan Isbitaalka jiifo.

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in dadka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo degayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ay heystaan shahaadada cadeyneyso in aysan COVID-19 qabin ka hor 72 saacadood, islamarkaana xirtaan weji xir si looga gaanshaanto COVID-19.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.