Cosoble oo baaqay in Maamul gooni ah laga dhiso Beledweyne

Cosoble ayaa walaac xooggan ka muujiyay dib u dhiska labaad ee maamulka Hirshabeelle, isagoona Reer Hiiraan ugu baaqay in ay maamul gooniya ka dhistaan magaalada Beledweyne.

Warar Keydmedia Online
Cosoble oo baaqay in Maamul gooni ah laga dhiso Beledweyne

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku baaqay in magaalada Beledweyne laga bilaabo mid la mid ah howsha ka socto Jowhar uu ula jeedo ololaha doorasho.

Cosoble ayaa walaac xooggan ka muujiyay dib u dhiska labaad ee maamulka Hirshabeelle, isagoona Reer Hiiraan ugu baaqay in ay maamul gooniya ka dhistaan magaalada Beledweyne, kaasoo ka dhan waxa uu ugu yeeray fowdada ka socto Jowhar.

Cosoble ayaa boggiisa Facebook kusoo qoray: 'Waxaan ku talinayaa howsha Jowhar ka socota mid la mid ah in Baladweyne'laga bilaabo. Baarlamaanka Hirshabeelle ha la xulo, madaxweyne iyo ku xigeenna ha la doorto Baladweyne ha ku shaqeeyaan. Xaq baad u leedihiin, cid idinka hor istaagi karta ma jirto. Intaa markaad sameysaan ayey DFS, IGAD, AU iyo bulshda caalamka idin dhageysan doonaan. Abgaal reer Baladweyne ah waa idinla joogaan ee ka dhigta madaxweyne ku xigeen, beelaha kale dhamaantoodna waa reer Hiiraan"

"Xawaadlow ogaada waa la idin riix riixayaa si la idiin tijaabiyo. Ha ku dhicina imtixaanka. Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa. Fowdana waa laga hortagaa ee lama sugo. Ma jecleyn inaan sidaan ku taliyo balse waxaa ii muuqata talo kale oo idiin furan ineysan jirin. Dhista Hirshabeelle la mid ah midda ay reer Jowhar dhisanayaan" Ayuu yiri Cosoble.

Arintaan ayaa imaaneyso xilli Shalay Magaalada Jowhar ay gaareen wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehlinayeen Gudoomiyeyaashii hore ee G/Hiiraan Cabdi fitaax Xasan Afrax & Yuusuf dabageed, waxaana dhamaantood ay ku baaqeen in la dedejiyo doorashada Hir-Shabeellle.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.