Cumar C/rashiid: Xaalad noocan oo kale Farmaajo kahor kama dhicin dalka

Dalka kama dhicin 20 sano in waqtiga dowladda uu dhamaado, iyadoo aan jirin heshiis siyaasadeed ama doorasho.

Warar Keydmedia Online
Cumar C/rashiid: Xaalad noocan oo kale Farmaajo kahor kama dhicin dalka

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Maanta ka jirta dalka iyo jahwareerka doorashooyinka ka taagan.

Wuxuu yiri: "20-kii sano ee ugu dambeeyay kadib shirkii Carta, xaalad noocan ah horey uma soo marin Soomaaliya, in mudo-xileedka dowladda uu dhamaado iyadoo aan heshiis jirin ama doorasho la qaban".

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in Farmaajo Madaxweyne ka xun aan Soomaaliya soo marin kadib Siyaad Barre, isagoo ku eedeeyay inuu dalka sii kala fogeeyay, islamarkaana gaarsiiyay in dagaal uu ka dhaco Muqdisho.

"Dib u dhac wayn ayay Soomaaliya gashay mudadii uu Farmaajo xukunka hayay, waa nasiib darro in dalka uu maanta dib ugu laabanayo colaad sokeeye iyo qabiil, waxuu Farmaajo sameeyay horey looma maqal, mana la arag," ayuu hadalkiisa raaciyay Cumar C/rashiid.

Hadalka Ra'iisul Wasaarihii hore ayaa kusoo beegmaya xili Muqdisho tobaad kahor uu ka dhacay dagaal, kaasoo sababay inuu xirmo Garoonka diyaaradaha, islamarkaana ay dad badan guryahooda ka qaxaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.