Cumar Cabdirashiid oo ku biiray Midowga Musharixiinta

Ra’iisul Wasaarihii hore, Cumar Cabdirashiid ayaa manta Muqdisho dib ugu soo laabtay kadib markii uu ka duulay billowgii 2017.

Warar Keydmedia Online
Cumar Cabdirashiid oo ku biiray Midowga Musharixiinta

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, aya manta dib ugu soo magaalada Muqdisho, kadib, ku dhawaad shan sano uu ka maqnaa caasimadda dalka.

Cumar Cabdirashiid, ayaa soo laabashadiisa ku macneeyay inuu doonayo ka qeyb qaadashada dadaallada ay Golaha Midowga Musharixiinta Soomaaliya, ku doonayaan in dalka looga qabto doorasho la isla oggol yahay.

Ra’iisul Wasaarihii hore, ayaa sheegay inuu si weyn kaga soo horjeedo qaabka ay ku billowdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, wuxuuna khalad ku tilmaamay habraacii bishii Agoosto, kaas awoodda doorashada faraqa ugu shubay hoggaamiyayaasha dowlad gobolleedyada.

"Waxaan halkaan u imid, wadciga, waqtiga hadda la marayo iyo xaaladda taagan, waxa hadda socda waxa ay salka ku hayaan khaladaad la galay markii la saxiixayay habraacii doorashada bishii  Agoosto”. Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Mucaaradka ayaa ku dhawaaqay in aysan aqbali doonin natiijada doorashada boobka ah ee hadda socota, isla-markaasna waxa ay dhwaan Ra’iisul Waaaraha Xukuumadda, u gudbiyeen go’aankooda ku aaddan doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Xogo muhiim ah iyo ilo aad ugu dhow, Midowga Musharixiinta, ayaa sheegaya in inta badan xubnaha Golaha Mucaaradka ay isku raaceen in sida ugu dhaqsiyaha badan dhidibada loogu taago Gole Qaran oo ku meel gaar ah, kaas oo dalka ka saara xilliga kala guurka.

Imaanshiyaha Cumar ee Muqdisho, ayaana loo fasiran karaa inuu Goluhu u wacay, maadaama ay dhawaan sheegen in ay ballaarin doonaan talada isla-markaana la fariisan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

KEYDMEDIA ONLINE  

Commenting is not available in this channel entry.