Cumar Filish: Looma laaban doono 1991

Cumar Filish oo shaqo ka dhigtay olalaha dib u doorashada Madaxweyne Farmaaajo ayaa Mucaaradka ku tilmaamay kuwo 'duminayo dowladnimada la haysto'. 

Warar Keydmedia Online
Cumar Filish: Looma laaban doono 1991

MUQDISHO, KON - Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Filish ayaa sheegay in aysan aqbali doono in qalqal la geliyo ammaanka magaalada, isaga oo tilmaamay in la yaab ay tahay iney siyaasiyiinta qaar ku hadaaqayaan in loo laaban doono 1991.

Wuxuu sheegay Filish in aan dib loo laaban doonin, shacabkana looga baahan yahay iney u istaagaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cid walbo oo horumarka diiddan.

Cumar ayaa ku ammaanay dowladda Farmaajo iney tahay midda kaliya ee sida saxda ah u bixisa mushaarka shaqaalaha, wuxuuna is ilowsiiyey waxqabadka dowladihii hore.

“Shacabka gobolka Banaadir, iyaga ayaa laga rabaa inay jawaab ka bixiyaan hadallada kasoo yeeraya kuwa diidan dowladnimada ee dhahaya waxaa loo laabanayaa 1991-dii, waxaa loo baahan yahay in shacabku uu dharbaaxyo xoogan ku dhufto kuwaas doonayo in la dumiyo dowladnimada la haysto”  ayuu yiri Filish.

Cumar Filish ayaa munaasabad walba oo uu hadal ka jeedinayo waxa uu ka akhriyaa qoraal ay usoo dhiibeen Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, wuxuuna hadalladan ku ilaalsanayaa kursigiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.