Kenya finalising miraa trade deal with Mogadishu
Mid ka mid ah weriyeyaasha Soomaalida, gaar ahaan arrimaha fanka sida weyn loogu yaqaano Cumar Seerbiya ayaa sheegay in lagu xiray garoonka Hargaysa oo uu manta ka dagay.
MUQDISHO, Soomaaliya – Cumar Seerbiya oo ka mid ah wariyayaasha ka howl-gala caasimadda Soomaaliya, ayaa maanta lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, saacado yar kadib markii uu ka duulay Muqdisho.
Seerbiya, ayaa ka tirsan shaqaalaha Astaan TV, gaar ahaa qeybta arrimaha fanka, waxaana si weyn loogu yaqaannaa, wareysiyada fannaaniintii iyo abwaannadii hore, isagoo xilliyo kala duwan Soomaaliland u tagay shaqooyin la xariira qadidda wareysiyo faneed.
Farriin gaaban oo uu soo dhigay degelkiisa Facebook ayuu ku sheegay in la xiray, lamana oga sida uu ku haleelay in uu Facebook wax ku qoro iyo sida uu hadda xaalkiisa yahay, mana uusan caddeyn ka danbeysa xarriggiisa.
Seerbiya, wuxuu ka soo jeedaa Gobollada Waqooyi, waxaaa xarriggiisa loo aaneynayaa inuu la xariiro qadiyadda gooni isu taagga Soomaaliland oo hore sidaan oo kale xabsiga u dhigtay wariyayaal iyo Fannaaniin reer Hargeysa ah oo Muqdisho yimid.
Cumar Seerbiya, wuxuu dhowaan qorey buug ka hadlaya fanka Soomaaliya, waana wariyaha kaliya ee dhamaan deggaanka Soomaalida ee isku howlay, uruurinta taariikha fanka Soomaaliyeed.
KEYDMEIDA ONLINE
Add comment
Comments