Cutubyo ka tirsan Ciidamda Gorgor oo tababar loo soo xiray

Cutubyo ka tirsan ciidamada loo yaqaan Gorgor ayaa tababar loogu soo xiray waddanka Turkiga halkaasoo ay tababar ujoogeen, ugu dambeyntiina waxaa loo diyaarinayaa in dalka dib loogu soo celiyo

Warar Keydmedia Online
Cutubyo ka tirsan Ciidamda Gorgor oo tababar loo soo xiray

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Turkiga oo si xoog leh uga taageerta dowladda Soomaaliya dhinaca ciidamada ayaa waxay maanta soo gabagabeeyeen tababarka cutubyo ka tirsan ciidamada loo yaqaan Gorgor kuwaasoo tababar fiican kusoo qaatay wadankaasi.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Kumaandoosta Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tababar in muddo ah usocday loogu soo xiray dalka Turkiga, waxayna udiyaar garoobayaan in dalka dib loogu soo celiyo, iyadoo lagu guda jiro xaalad adag oo dhinaca ammaanka ah iyo sidoo kale arrimaha muranka badan ka taagan yahay ee doorashooyinka.

Cutubyo ka tirsan ciidamadan ayaa horay u fuliyay weerarro qorsheysan kuwaasoo uu u diray madaxweyne Farmaajo, waxayna ku milmeen siyaasadda, 19 Febaraayo 1:15 ayey weerar ku qaadeen Hotel Maa'ida oo ay ku sugnaayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo Guddoomiyihii Baarlamanka Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa horay loogu baaqay in aysan ku milmin siyaasadda, waxaana lafaray in ay gutaan waajibaadkooda shaqo, arrimaha la xiriira siyaasaddana in aysan fara-gelin ayaa loogu baaqay inkastoo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo uu u adeegsanayo ciidamadani soo laabashadiisa mar kale iyo xafiiska Villa Somalia.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.