KEYDMEDIA ONLINE

CXDS oo la wareegay degaanno hoos taga Matabaan

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, ayaa Al-Shabaab kala wareegay, degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
CXDS oo la wareegay degaanno hoos taga Matabaan

MATABAAN, Soomaaliya - Ciidamada xoogga dalka Qeyta 27-aad ayaa Howlgallo ballaaran kadib la wareegay gacan ku heynta degaanno hoos taga degmada Matabaan ee Goolka Hiiraan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa laga saaray degaannada Coomaad iyo Madhooy oo Koofur kaga beegan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, in muddo ahna ku sugnaayeen.

Taliyaha Guutada shanaad Korneyl Maxamuud Xasan Ibrahim oo loo yaqaab ‘Baakaay’ ayaa, warbaahinta u sheegay Howlgaladda ka socda inta u dhaxeysa Matabaan iyo Maxaas ayaa sii socon doonaan.

Howlgaladda ka billowdaya Koofurta Matabaan ayaa waxaa iska kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Maamullada HirShabeelle iyo Galmudug, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hor boodeysa howlgalka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa todobaadkii la soo dhaafay falal amni raddo ka geysanayay wadada isku xirta Baladweyne iyo Matabaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.