Daacish iyo Soomaaliland oo ka faa’iiday dagaalka Deni iyo PSF

Deni, wuxuu indha ka dabooshay marxaladda doorashada, wuxuuna u muuqdaa inuu cagta saaray jidka dagaalka, kaas oo aan la aqoon halka uu ku dhamaan doono.

Warar Keydmedia Online
Daacish iyo Soomaaliland oo ka faa’iiday dagaalka Deni iyo PSF

Boosaaso, Soomaaliya – Maamulka Puntland ayaa cagaha la galay xiisado iyo xasarado siyasadeed, kuwaas oo laga cabsi qabo in ay isku beddelaan colaado iyo gacan ka hadal ka dhaca magaalada dekedda leh ee Boosooso.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, ayaa duullan ku ah ciidanka Puntland Security Force, [PSF] kadib markii ay ka hor yimaadeen xil ka qaadis uu ku sameeyay agaasimaha ciidanka oo walaal la ah hoggaamiyaha mid ka mid ah Ururrada siyaasadeed ee ka jira Bari iyo Nugaal.

Khilaafka ka dhex aloosan, PSF iyo Madaxtooyada Deni, ayaa sababay in Ciidamada loo yaqaan Daraawiishta, ay soo faarujiyaan fariisimo ay muddo ku lahaayeen xudduudda Soomaaliland, halkaas oo durba ay degeen ciidanka Maamulka uu hoggaamiyo Muuse Biixi.

Ciidanka Puntland Security Force, ayaa dhankooda soo faarujiyay fariismo ay ku lahaayeen buuraha Galgala oo ay ku xooggan yihiin Kooxda Daacish, waxayna Daraawiishta iyo PSF, isku hor fadhiyaan Boosaaso.

Dadkii ugu badnaa oo shacab ah ayaa xalay ka qaxay magaalada, waxaa xiran shaqadii Dekedda, waxaana xilli kasta laga cabsi qabaa inuu qarxo dagaal kharaar oo lagu riiqmo.

Deni, wuxuu ku gooddiyay inuu xoog ku meel marin doono waraaqda xil ka qaadista agaasimaha PSF, halka Diyaano sheegay in ay soo xiri doonaan Madaxweynaha Puntland.

Dhawaan maamulka Deni, ayaa lagu eedeeyay inuu taageero la garab taagnaa Kooxda SUFA, oo duullaan ku soo qaadday Guriceel billowgii bishii October, si loo carqaladeeyo amniga degaannada Galmudug.

Hayeeshee 35 cisho kadib colaaddi Guriceel iyo qixintii ku dhawaad 200,000 oo danyar reer Galmudug, ugu danbeyn Boosaaso ayaa hoos harsaneysa dhibaatada ay leeyihiin dagaallada.

Deni, wuxuu indha ka dabooshay marxaladda doorashada, wuxuuna u muuqdaa inuu cagta saaray jidka dagaalka, kaas oo aan la aqoon halka uu ku dhamaan doono.

KEYDMEDIA ONLINE  

Commenting is not available in this channel entry.