Daahir Geelle “RW Rooble 5 arrimood waa inuu ogaadaa”

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Geelle ayaa RW Rooble kula taliyay in shan arrimood uu ogaado kahor inta aan la gaarin 20 -ka bisha oo lagu ballansan yahay shirka madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Warar Keydmedia Online
Daahir Geelle “RW Rooble 5 arrimood waa inuu ogaadaa”

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax madaxweyne Daahir Geelle ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook uu ku leeyahay waxa uu kula dardaarmay RW Rooble isagoo u soo jeediyay in shan qodob uu xoogga saaro kahor inta aan la gaarin wadahadalka arrimaha doorashooyinka ee lagu ballansan yahay 20 -ka May.

Geelle ayaa yiri "waxay ila tahay in ay muhiim tahay in Ra'iisalwasaare Mohamed Hussein Roble uu shan arrimood ogaado kahor inta uusan tagin shirka 20ka May.

  1. In uu ogaado in aan laga aqbali doonin wixii Farmaajo laga diiday.
  2. In uu ogaado in heshiiski 17ka September uu kaliya aasaas yahay, balse ay tahay in laga heshiiyo waxa la isku haayo oo dhan.
  3. In uu ogaado in taageerada uu ka haysto mucaaradka, ciidamada, beesha caalamka iyo guud ahaan bulshada ay tahay mid shardiyaysan oo uu ku kasbaday in uu ka leexaday waddadii hore loogu lumay.
  4. In uu ogaado in arrinta aan sheegi jirnay ee ahayd in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhammaato uu micnaheedu yahay in ay ku dhamaato miis loo dhan yahay oon lagu kala maqanayn.
  5. In uu ogaado in miiska oo saamilayda loo diido, kuwa fadhiyana looga kaco uu yahay habdhaqan hore loogu hungoobay laguna fashilmay.

Ugu danbayn, walaalkeey Ra'iisalwasaare Rooble waxaan leeyahay si aad u guulaysatid waa in aad guuldarrooyinki hore wax ka baratid."

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.