Dabageed oo u hanjabay jabhadda Jeneraal Xuud

Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa u hanjabay Jabhadda Jeneraal Xuud, asigoo sheegay in xoog looga saari doono deegaanka. 

Warar Keydmedia Online
Dabageed oo u hanjabay jabhadda Jeneraal Xuud

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey 77 sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacan adag ay ku qaban donaan jabhadda Jeneraal Xuud, haddii aanay dib uga soo laaban wadada ay ku socdaan.

Waxa uu sheegay Dabageed, in xubnaha jabhaddan hoggaaminaye ay dhammaantood Jowhar u aadeen si ay xil uga soo helaan Hirshabelle, balse markii ay soo waayeen ay jabhadeyn bilaabeen.

Sidoo kale, wuxuu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle, inta danta ay ku jirto sidii loogu shaqeyn lahaa dalka iyo dadka, wixii intaasi kaso harana ay cid walbo wixii ay beerato heli doonto.

"Qolyahan Jabhadeyna Hirshabelle ayeey xilal kasoo waayeen, kolley in markii xil la waayo la jabhadeeyo waajib ma ahan, Hirshabelle-na waa ay ballaaran tahay, balse gacan adag ayaan isaga qabaneynaa, cidii nabad diidanaya wixii ay hesho ayeey leedahay" ayuu yiri Dabageed.

Jeneraal Xuud oo jabhaddan hoggaaminaya ayaa sheegay in ay dhisi doonaan maamulka Hiiraan State, wixii intaas kasoo harana ay la dagaallami doonaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.