Dabbaaldegyo ka socda caasimada gobolka Tigray ee Mekelle

Afayeenka Jabhadda TPLF ayaa sheegay inay dib ugu soo laabteen gacan ku haynta caasimada gobolka ee Mekelle ka dib ku dhawaad siddeed bilood oo dagaal ah, Dowladdii meesha ka saartayna waxay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah oo isla markiiba dhaqan gashay.

Warar Keydmedia Online
Dabbaaldegyo ka socda caasimada gobolka Tigray ee Mekelle

TIGRAY, Itoobiya - Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigreega kaga dhawaaqday xabad joojin deg deg ah, oo hal ah dhinac maalintii Isniinta, kadib ku dhawaad ​​siddeed bilood oo colaado lagu hoobtay ay ka holcayeen waqooyiga Itoobiya.

Xabbad-joojintu waxay dejin kartaa dagaal khalkhal geliyay xasilloonida waddanka labaad ee ugu dadka badan Afrika isla markaana sameyn ku yeelatay qaar ka mid ah waddamada Geeska.

Adduunka oo Abiy, ku bartay Isbadalladii nabadeynta ayay layaab ku noqotay duullaankii uu ku qaaday Tigray bishii Nofeembar. Tan iyo markaas, indhaindheeya-yaasha waxaa ku adkaaday in ay galaan inta badan gobolka si loo baaro eedeymaha sii kordhaya ee la xariira Xasuuqa, Kufsiga iyo wixii la hal maala.

In ka badan 350,000 oo ruux ayaa u baahan gargaar deg deg ah iyo in laga badbaadiyo macluul daran oo ku habsatay, halka ku dhawaad shan malyan oo qof ay dalbanayaan in la caawiyo sida ay shegtay Qaramada Midoobay.

Kadib dagaallo qaraar, Getachew Reda, afhayeenka Jabhadda Xorraynta Dadka Tigray (TPLF), ayaa sheegay in maamulka magaalada uu gacantooda ku soo laabtay, halka ay dabaal dagyo waaweyn ay socdaan Mekelle tan iyo xalay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres wuxuu sheegay inuu la hadlay Abiy uuna "ku rajo weyn yahay in si wax ku ool ah loo joojiyo colaadda.

Golaha Ammaanka e Qaramada Midoobay, ayay u badan tahay inuu kulan ka yeesho xaaldda gobolka Tigray todobaadkan, kadib codsi ka yimid dalalka Mareykanka, Ireland iyo Britain.

Waxaa soo bixi doona dhacdooyin hor leh, marka ay baarayaashu guadaha u galaan Mekelle, wuxuuna isbadelka Tagray ka dhacay sii murjin doonaa xaaladda Itoobiya, oo hadda wajaheysa caqabad kala tag ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.