Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Askariga la dilay oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Kamaal ayaa Dadka deegaanka waxa ay sheegeen in Kooxaha hubaysnaa ay ku Toogteen xalay Fiidkii hore Meel lagu caweeyo oo ku taalla degmada Xamar-jadiid,iyadoo raggii dilka geestay ay Goobta isaga baxsadeen dilka kadib.
Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ayaa waxa ay isku geedaameen Goobta uu falka ka dhacay kuwaasi oo halkaasi ka sameeyay baaritaano ku aadan Cidda ka dambeysa dalkaasi,mana jirto Cid loo soo qabtay dilkaasi illaa hadda.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa dad kor u dhaafaya Sadex ruux oo rayid ahaa siyaabo kala duwan loogu dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, iyadoo Ciidamada dowladda ee degmadaasi ay ku guul daraysteen wax ka qabashada falalkaasi Amni darri ee loo laablaabaty.
Keydmedia.net
Add comment
Comments