Dacwad ka dhan ah Farmaajo oo loo gudbiyay Maxkamadda ICC

Qareenno Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Melbourne ee dalka Australia, ayaa dacwadan ka gudbiyay madaxweynaha waqtigiisu idlaaday ee Farmaajo iyo kooxdiisa oo lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin kiisas ka dhan ah xuquuqda Aadanaha.

Warar Keydmedia Online
Dacwad ka dhan ah Farmaajo oo loo gudbiyay Maxkamadda ICC

MELBOURNE, Australia- Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada dagaalka ICC ee magaalada The Hague ayaa loo gudbiyay dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya.

Qareenno Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Melbourne ee dalka Australia, ayaa dacwadan ka gudbiyay madaxweynaha waqtigiisu idlaaday ee Farmaajo iyo kooxdiisa oo lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin kiisas dambiyo ah.

Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax, oo kamid ah qareenada dacwada ka dhanka ah dowlada Soomaaliya u gudbiyay oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA, ayaa tilmaamay, in Maxkamada u gudbiyeen afar Kiis.

Kiisas kaas ayuu ku kala sheegay, kiisaka dilka Ikraan Tahliil, dhallinyarada Soomaaliyeed ee loo qaaday dalka Eritrea, Xasuuqii ka dhacay magaalada Baydhabo iyo xayiraadda diyaaradihii Kismaayo.

Waxaa kale oo xusay inay hayaan kiisas kale oo xasuuq ah oo ka kala dhacay, Dhuusamareeb, Bariire iyo tacadiyo ka dhacay Buulo xaawo iyo Doolow oo kufsi ah, kuwaas oo uu sheegay inay ku hayaan baaritaan kaddibna ay u gudbin doonaan Maxkamadda danbiyada dagaalka ee ICC.

Mar la weydiiyay waxa ku dhaliyay inay u gudbiyaan dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya xilligan, ayuu garyaqaanku carrabaabay sida aanan loo maareyn kiisas horay u dhacay, kuwaas oo uu tilmaamay in ilaa iyo haatan aan wax najiijo dhanka caddaaladda ah laga gaarin.

Qareennadan dacwadda ka gudbiyay kooxda Farmaajo oo lagu tuhmayo gabood falladaas ayaa is hortaag ku sameeyay kiisas ay uu ugu weyn yahay barista kiiska Ikraan Tahliil.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.