Dacwad laga gudbiyay Farmaajo, Rooble iyo Fahad Yaasiin

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay soo farageliso khilaafka ku saabsan magacaabista guddiga doorashooyinka wakiillada Somaliland.

Warar Keydmedia Online
Dacwad laga gudbiyay Farmaajo, Rooble iyo Fahad Yaasiin

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi, ayaa beesha caalamka u gudbiyay dacwad ka dhan ah Farmaajo, Rooble iyo Fahad Yaasiin.

Xaashi ayaa ku sheegay warqad ku taariikheysan 13-ka November 2020, oo ay aragtay Keydmedia Online in tallaabada uu qaaday Madaxweyne Farmaajo ee dhanka doorashooyinka ‘waxay cawaaqib xumo ba'an ku yeelan doontaa dalka iyo dadka'.

Wuxuu sheegay in Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxa Hay'adda Sirdoonka Fahad Yaasiin ay 'ku xad gudbeen hannaanka lagu soo xulayo xubnaha matalaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

Cabdi Xaashi ayaa dacwadda u gudbiyay ergayga Qaramada Midoobey James Swan iyo Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madeira.

Lama oga go'aanka Beesha Caalamka waxa uu noqon doono, mar hadii laga wada qayliyay gudiga doorashooyinka ee uu Rooble ku dhawaaqay, kaasoo xubno NISA katirsan iyo shaqaalaha dowladda laga buuxiyay.

Dhexdhexaadnimada Gudigga ayaan la isku halleyn karin, waxayna u badan tahay hadii uu qabto doorashadda inuu Farmaajo ku shuban doono, islamarakaanka dalka uu gali doono marxalad dagaal iyo fowdo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.