Dad faafinayey Diinta Kirishtaanka oo lagu qabtay Somaliland

Somaliland ayaa la sheegaa iney aad ugu soo bateen dadka isku daya iney ku dhex faafiyaan halkaa diinta Kirishtanka.

Warar Keydmedia Online
Dad faafinayey Diinta Kirishtaanka oo lagu qabtay Somaliland

Ciidamada Booliiska Maamulka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Labo qof oo ay sheegeen iney deegaannada maamulkaasi ku dhex faafinayeen diinta Kirishtaanka.

Gaashaanle Sare Feysal Xiis Cilmi, taliyaha ciidanka Booliiska Maamulka Somaliland ayaa tilmaamay in dadkan la qabtay ay diinta Islaamka ka baxeen, islamarkaana noqdeen Kirishtaan, lana qabtay xilli ay dadka ugu yeerayeen Kirishtaannimo.

'Dadka ayeey lumaniyeen markii aanu qabaneynay, waxayna ka baxeen diinta, markaas bay dadku ugu yeerayaan Kirishtaannimo, cadaaladda ayeey mari doonaan" ayuu yiri Taliyaha.

Taliye Feysal ayaa sheegay in Maxkamadda la horgeyn doonno dadkan ay qabteen, islamarkaana la marin doono waxa uu sharciga ka qabo.

Sidan oo kale, horey waxaa deegaannada Maamulka Somaliland loogu qabtay rag faafinayey diinta Kirishtanka, kuwaa oo ahaa Ajaaniib, waxaana lagu ridey xukunno kala duwan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.