Dad isku qoys ah oo lagu laayay Sh/dhexe

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay xalay deegaanka Xaluule oo hoostaga degmada Warsheekh ay ka geysteen rag hubeysan

Warar Keydmedia Online
Dad isku qoys ah oo lagu laayay Sh/dhexe

Maleeshiyaadkan ayaa la sheegay in ay galeen guri ku yaalla deegaankan, waxaana ay dileen Hooyo Umul ku jirtay, canuguu umasha iyo wiil Saddex sano jir ah oo ay hooyadan dhashay.

Sidoo kale, waxa halkaasi ku dhaawacmay Haweeney kale iyo wiil Shan sano jir ah, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Maleeshiyaadkii weerarkaasi ka dambeeyey ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana lagu soo waramayaa in arrintani ay la xiriirto aano qabiil.

Maamulka degmada Warsheekh ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanka falkaan, islamarkaana lasoo qaban doono maleeshiyaadkii falkan ka dambeeyey.

Gobolka Shabellaha Dhexe waxaa kusoo badanaya falalka la xiriira dilka dadka shacabka ah ee aan waxbo galabsan, iyadoo bishii September ay rag hubeysan gobolkaasi ku dileen Shan macallin oo subac ku jiray.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.