Labo kamid ah qodobada ugu waaweyn fashilka Farmaajo
Maamulka Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa ka warbixiyey Qarax miino oo maanta ka dhacay banaanka xarunta dowladda hoose ee magaaladaasi.
GAALKACYO, Soomaaliya - C/raxmaan Sheekh Xasan, guddoomiyaha Gaalkacyo ayaa u sheegay warbaahinta in qaraxan loo qabtay Afar qof, kuwaas oo lagu tuhmay in qaraxa ay ka dambeeyeen, islamarkaana ay su'aalo weydiinayaan laamaha ammaanka.
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in khasaaraha uu gaaray 8 qof oo dhaawac ah, kuwaasi oo isugu jira dad shacab ah iyo ciidamo ilaalinayey xarunta.
Guddoomiye C/raxmaan ayaa sheegay in miinada qaraxday la geliyey haan qashinka lagu shubo oo taallay banaanka xarunta dowladda Hoose.
Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa ahayd mid amni ah, waxaana ku yaraa falalka sidan oo kale.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments