Dad shacab ah oo lagu dilay Waqooyiga Gobolka Mudug

Waxaana arintaan ay ku soo aadaysaa ayadoo gobolka ay ka socdaan howlgalo ka dhan Al-shabaab, oo ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug oo iskaashanaya, kuwaas oo la doonayo in kooxda Al-shabaab looga xoreeyo meelaha ay kaga suganyihiin deegaanada maamulka Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Dad shacab ah oo lagu dilay Waqooyiga Gobolka Mudug

GOLDOGOB, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya  Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay weerar lagu dilay dad shacab ah oo  ahaa dadka deegaanka ku dhaqan.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dhagxanya-cad oo hoostaga degmada Goldogob ee gobolka Mudug, waxaana la sheegayaa in weerarka ay ka dambeeyeen rag hubaysan oo maleeshiya beeleed ah.

Inta la hubiyay laba Nin oo kamid ah xoolo dhaqatada deegaanka ayaa ku geeriyooday weerarka, halka mid kalena uu ku dhaawacmay, waxaanaa  goobta markiiba ka baxsaday raggii hubaysnaa ee  ka dambeeyay falka lagu dilay dadka shacabka.

Ilo deegaanka ayaa sheegay in weerarka lagu dilay dadkaa xoolo-dhaqatadaa ee ka dhacay deegaanka Dhagxanya-cadde oo ku dhow degmada Galdogob uu yahay mid la xriira aano qabiil oo horey uga dhacday Gobolka Mudug.

Wararkii ugu dambeeyay ee halkaa aan ka helayno waxa ay sheegayaan  in xiisad ka dhalatay arrintaasi ay maanta ka taagan tahay deegaanada waqoooyi ee gobolka Mudug.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.