Dad Abaaro ugu Geeriyooday Gobolka Gedo

Buurdhuubo (KON) - Ugu yaraan Saddex Qof ayaa Cuduro iyo Gaajo ugu geeriyooday qeybo ka mid ah Gobolka Gedo ee Koofur Galbeedka Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Dad Abaaro ugu Geeriyooday Gobolka Gedo

Saddexda Ruux ee Geeriyooday ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, waxaana ay kala yihiin Haweeneey iyo Labo Caruur ah.

Xasan Maxamed Cali oo ah Gudoomiyaha Buurdhuubo ayaa sheegay in Dadka inta badan ay haysato Biyo la’aan ama Haraad oo Ceelashii ay Cabi jireen ay Gureen.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in sidoo kale Dadka Biyo la’aanta iyo Gaajada ay u sii dheer tahay Cuduro ka dilaacay Degmada.

Xasan Maxamed Cali ayaa Dowladda iyo Hay’adaha Gargaarka ku dhaliilay in ay Dhowr jeer baaq u direen islamarkaana ay dhagaha ka Fureeysteen baaqooda.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah Gobolada Dowladda Soomaaliya ay sheegtay  Abaarta ka jirta ay aad u adag tahay.

Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho