Dad haraad iyo gaajo u geeriyooday

Koonfurta -Soomaliya(keydmedia) Gobalada kale duwan ee ay saameeyeen abaaraha ka taagan guud ahaan Dalka ayaa waxaa iminka laga soo sheegayaa dhibaatooyin baaxad leh oo dhimasho iyo darxumo isugu jirta.
Warar Keydmedia Online
Dad haraad iyo gaajo u geeriyooday

Gobalada Bay, Bakool, Gedo, Hiiraan, Sh.hoose, Sh.dhexe oo dhamaantood iminka ay ka taaganyihiin abaara xoog leh ayaa saacadihii ugu danbeeyay wararka laga helay ay sheegayaan in ku dhawaad 15 ruux ayaa haraad iyo gaajo ugu geeriyoodeen gobladaasi.

Iyadoo dadka dhibaatadan ay wajahayaan ayaa hadana dhanka kale waxaa xusid mudan in aanu jirin cid u taagan in ay gar gaar u fidiso dadkaasi, waxaana hey’adaha samafalka ay ka dhaga xirteen baaqyada Dadkaasi ka soo yeeraya.

www.keydmedia.net