Dad ku dhintay dagaal ka dhacay Muqdisho

Muqdisho(keydmedia) Waxaa saacadihii la soo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho ka socday dagaalo sababay dhimashada iyo dhaawaca rayid Soomaaliyeed kuwaasoo ku sugnaa xaafado kale duwan oo magaalada ah.
Warar Keydmedia Online
Dad ku dhintay dagaal ka dhacay Muqdisho

Dagaalka ayaa ka dhacay laba qeybood oo ka tirsan magaalada kuwaasoo kale ah aaga degmada Hodan iyo dhanka Boondheere, waxaana inta la xaqiijiyay dagaaladaasi ku geeriyooday 7 ruux iyadoona 15 kale ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhamaantood ah rayid aan waxba galabsan waxaana aan la ogeyn qasaaraha kala gaaray dhinacyada xabada u bareeray ee dagaalamaya.

 Www.keydmedia.net