Dad lagu qaarijiyay Kismaayo

Kismaayo(keydmedia) Wararka aynu ka heleyno magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in halkaasi laga helay meydka nin ay kooxda halkaasi ka talisaa qafaasheen shalay galinkii danbe.
Warar Keydmedia Online
Dad lagu qaarijiyay Kismaayo

Ninka meydkiisa la helay ayaa isaga nin kale waxa ay ka kaxeesteen ciidamada deegaankaasi ku sugan shalay galab guri ku yaala xaafadda calanley ee magaalada Kismaayo waxaana meydka mid ka mid ah raggaasi laga helay meel ku dhaw dekadda magaalada kismaayo oo ay maamulaan xoogaga dowladda ka soo horjeeda.

Labad nin midkood ayaa ahaa dadka deegaanka waxaana uu kismaayo ku lahaa farmash halka ninka kalana uu isaga marti u ahaa, waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta ka danbeysay qafaalka iyo dilka is xigay.

Dadka qaar ayaa ku waramaya in ninka farmashiyaha joogay dhawr mar oo hore uu ka mada adeegay lacago qasab ah oo ay ka dalbadeen xoogaga dowladda ka soo horjeeda ee ka taliya deegaanadaasi.

Www.keydmedia.net