Dadka Dowlad degaanka oo ku kala aragti duwan dagaalka TPLF

Dadka qaar waxay aaminsanyihiin in dagaalka uu yahay mid u dhexeeyaha qaar ka mid ah qowmiyadaha Itoobiya dega islamarkaana aysan jirin waxa ka quseeya Soomaalida.

Warar Keydmedia Online
Dadka Dowlad degaanka oo ku kala aragti duwan dagaalka TPLF

JIGJIGA - Ayadoo dhawaan maamulka Soomaalida ee Itoobiya uu ciidamo u diray dagaalka ka socda gobolka Tigray, ayaa waxaan arintaan ay dhalisay kala qaybsanaan iyo guux Soomaalida dheexdeeda, gaar ahaan dadka dowlad deegaanka.

Dadka qaar waxay aaminsanyihiin in dagaalka uu yahay mid u dhexeeyaha qaar ka mid ah qowmiyadaha Itoobiya dega islamarkaana aysan jirin waxa ka quseeya Soomaalida.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa u muuqda inuu ka jawaabayay baaq uu dhawaan degaannada u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ahaa iney ciidamo soo diraan si dalka looga difaaco waxa uu ku sheegay cadowga TPLF.

Maamulka uu madaxda ka yahay Cagjar oo aad u taageersan dowladda Abiy Axmed ayaa sheegay in qorshaha TPLF uu yahay in ay dumiyaan dowladda dhexe ayna tahay dalka laga difaaco koox argagixisi ah, sida uu hadalka u dhigay.

Qaar badan oo ka mid siyaasiyiinta iyo waxgaradka bulshada dowlad deegaanka ayaa aad uga soo horjeestay go’aanka maamulka Cagjar, ee ah in Soomaalidu ay ku biirto dagaalka Gobolka Tigray.

Maamulkii hore Cabdi Maxamuud Cumar ayaa aad uga soo horjeeda in qayb laga noqda dagaalka Itoobiya una arka in arinto ay tahay mid u dhexeeysa dowladda dhexe iyo maamul  tabasha ka qaba sida uu wax u maamulayo Abiy Axmed.

Dadka qaar waxa ay iswaydiinayaa maxaa faa’iida oo soomaalida ugu jira in ay ku biiraan dagaalka ayadoo la ogyahay in maamulada lagu difaacayo dagaalkan aysan soomaalida wax wanaag iyo iskaashi ah dhex oolin, taa bedelkeeda ay cadaawad soo jireen ah dhex taallo qaarkoodna hada ay dagaalo dhexmarayaan.

Tusaala ahaan gobolka hadda Tigreega laga difaacayo waa gobolka amxaarada oo la ogyahay dhibaatada  ay soomaalida u gaysteen xiligii mingiste iyo cadaawada ay u qabaan, sidoo kale maamulka Oromada uu kasoo jeedo Abiy ayaa lagu difaacaya kaas oo aysan cidna ka qarsoonayn in uu laayay soomaali badan dhulkooda uu boobay, sidaas darted aysan munaaasab ahayn in la garab siiyo kuwii daadiyay dhiiga dadka soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.