Dadka maalgeliya Al-Shabaab oo lala xisaabtamayo

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku nool dhaqaalaha shacabka ay ka qaado, waxayna sameysay nidaam canshuur oo ka adag midka dowladda.

Warar Keydmedia Online
Dadka maalgeliya Al-Shabaab oo lala xisaabtamayo

GAALKACYO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Galmudug Axmed, ayaa uga digay ganacsatada gobolka Mudug, gaar ahaan kuwa magaaladda Gaalkacyo inay bixiyaan canshuurta Al-Shabaab.

Fiqi kulan uu la yeeshay shalay gudoomiyaha Mudug ee dhinaca Puntland iyo taliyeyaasha Ciidanka booliska ka sheegay in Al-Shabaab aan laga adkaan karin inta ay ganacsatada ka helayaan dhaqaalaha.

Wuxuu shaaciyay in lala xisaabtamayo ganacsadihii lacag u dira Kooxda, oo hadda jab weyn kasoo gaarey dagaalka ka socda Koonfurta Mudug, halkaasoo sida uu Fiqi xaqiijiyay 250 xubnood looga dilay tan iyo bishii lasoo dhaafay.

Puntland ayaa ku biirtay dagaalka Mudug, iyadoo usoo dirtay gaadiid dagaal, saanad militeri iyo askar, waxayna iskaashi la sameynaysaa Galmudug, maadaama ay wadaagaan amniga  Mudug.

Al-Shabaab ayaa markii lagu jebiyay Koonfurta u jiheysatay gobollada Galmudug iyo Puntland, iyadoo billowday inay canshuuro kusoo rogto ganacsiga Gaalkacyo iyo Boosaaso.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.