Dadka Kismaayo ku nool oo ka walaacsan Duqeymaha Diyaaradaha

Kismaayo (Keydmedia) - Shacabka ku nool Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J.hoose ayaa si weyn uga walaacsan duqeymaha diyaaradaha ee mudooyinka ku soo kordhayay qeyba ka mid ah gobalkaasi.
Warar Keydmedia Online
Dadka Kismaayo ku nool oo ka walaacsan Duqeymaha Diyaaradaha

Walaaca dadka ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay kadib  markii laba maalin ka hor ay diyaaradu ka geesteen duqeyn qasaara sababtay Dekada magaalada Kismaayo.

"Aad baan u walaaceynaa waayo qatar ayaa nagu soo fool leh oo diyaaradu ayaa doonaya in magaalada ay duqeeyaan mana garaneyno meel aan aadno" sidaa waxaa yiri Cabdi Cali oo ka mid ah dadka ku nool kismaayo telfoonkana ugu waramay keydmedia.

Ali ayaa sheegay in shacabka ay yihiin iminka kuwa si weyn u feejigan isla markaana muujinaya cabsida jirta, waxaana uu tilmaamay in hadii aan xal la helin dadka ay qarka u saaran yihiin barakac.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho