Dadkii fatahaadda barakiciyay oo banaan cidlo ah ku dayacan

Goobaha sida aadka ah fatahaadda u saameysay ayaa ah magaalooyinka u umara Webiga Shabelle, sida Beledweyne, Jowhar iyo Afgooye, waxaana ku bakaracay qoysas aad u badan.

Warar Keydmedia Online
Dadkii fatahaadda barakiciyay oo banaan cidlo ah ku dayacan

MUQDISHO, Soomaaliya - In ka badan 100,000 oo qof ayaa ka barakacay quryahooda tan iyo June 2020, kadib markii fatahaado ku dhufteen qeybo kamid ah Hiiraan iyo Shabeellooyinka.

Roobab mahiigaan ah oo xiligan ka da’aya buuraha dalka Itoobiya ayaa sababay in webiga Shabelle oo biyo badan keeno, kadibna qararka jabsadaan markii roob ka da’ay Soomaaliya.

Goobaha sida aadka ah fatahaadda u saameysay ayaa ah magaalooyinka uu maro Webiga Shabelle, sida Beledweyne, Jowhar iyo Afgooye, waxaana ku bakaracay qoysas aad u badan.

Dadka barakacay ayaa noqday guryo la’aan, waxayna jiifaan meelo banana ah, oo dhaxanta iyo roobka ku wajahayaan, iyadoo hay’adaha gargaarka iyo DF ay ka gaabiyeen caawintooda.

Magaaladda Muqdisho waxay kamid tahay meelaha roobka uu saameeyay. Tan iyo June ayuu si joogto ah u da’ayay, waxaana burburay wadooyinka Caasimadda oo biyo fariistay.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.